Madaxweyne Gaas oo difaacay Imaaraadka, Xilli uu Jiro Khilaaf ka dhaxeeya DFS iyo Imaaraadka

Bosaso-[Puntland Post]-Akhristayaal waxa warbaahinta Puntland Post ay idin soo gudbinaysaa shirkii Jaraa’id ee uu ku qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaas oo uu uga hadlay Xiriirka Imaaraadka iyo Puntland ka dhexeeya  iyo Arimo kale.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Madaxweyne Gaas

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

One comment on “Madaxweyne Gaas oo difaacay Imaaraadka, Xilli uu Jiro Khilaaf ka dhaxeeya DFS iyo Imaaraadka”

  1. Kheyre iyo Farmaajo ka dhab maaha eryidda Imaaraatka. Waa kuwii Jawaari hilfaha u qaaday markii uu barlamaanku soo saaray qaraar lagu eryayo Imaaraatka.

    Xoogaa duco ah uun bay raadsanayaan oo waa qaraabanayaan.

    Waxooda waa maraanmarin. Naas guray bay caano ka doondoonayaan.

    Puntland maxaa ka galay qaraabashada Farmaajo iyo Kheyre?!

    Puntland iyo Imaaraatku waa saaxiibo aan kala go’eyn.

    Farmaajo iyo Kheyre iyaga ayey jirtaa siday ducadooda u qalqaashanayaan, laga mana yeelayo inay Imaaraatka ku khashqashaadaan Puntland gudaheeda.

    Gaas wuu diiday shekadaas raqiiska ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *