Koox Hubeeysan oo Macalin Jaamaceed ku dishay Muqdisho

Koox Hubeeysan ayaa xalay xaafada Ood-weeyne ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dishay mid kamid ah barayaasha Jaamacadaha Muqdisho.

Allaha u naxariistee Sheikh Ismacil Xaaji Cadow Nuur oo ahaa Madaxa kuliyada Shareecada ee Jaamacada Soomaaliya ayeey dableey hubeeysan oo aan heeybtooda lagaran ku dileen xaafada Oodweyne xili uu ka soo baxay Garaash uu baabuurka dhigtay.

Kooxahii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumka dhintay waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwa Dowlada.

Ciidamada ayaa baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo sameeyay iyaga oo xiray halka uu dilka ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Allaha u naxariistee Sheikh Ismacil Xaaji Cadow Nuur uu ahaa kal hore Gudoomiyihii Golaha Shuurada ee xisbigii bur buray ee Xisbul Islaam la dhehi jiray oo markii dambe ku biiray Kooxda Al-Shabaab ee uu hogaamin jiray Xasan Daahir Aweys.

Muqdisho waxaa ay daris la noqotay dilal qorsheeysan .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho