Imaaraadka oo Joojisay Taageeradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Joojisay taageeradii iyo tababaradii ay siin jirtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee WAM ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Dubai ay joojisay taageeradii Ciidamada Soomaaliya.

Wakaalada ayaa ku warantay in arintaan ay ka dambeeysay kadib markii Imaaraadku uu ka carooday lacagtii dhowaan lagu qabtay garoonka Muqdisho.

Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta bilahii la soo dhaafay.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero isugu jirto Dhaqaale iyo Tababar waxa ay u fidin jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Imaaraadku uu tababaro ay amarada ka qaataan Saraakiisha Imaaraadka hayeeshee aanay si toos ah awaamiirta uga qaadan Taliska Ciidamada Milatariga iyo wasaarada Gaashaandhiga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho