Wasiir-u-dowle ku Guuleystay Doorashadii Maanta lagu Qabtay Degmada Dhuuso-mareb


Muqdisho (PP) ─
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Golaha Shacabka kaasoo goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb.

Doorashada Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday, Mudane Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamayay saddex musharax oo uu ka mid ahaa Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye, Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

Mudane C/llaahi Faarax Wehliye ayaa helay codod gaaraya 28 cod, halka Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod, Cabdulle Faarax Xirsi ayaa isna helay saddex cod, waxaana xumaaday saddex cod.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horay wasiir uga soo noqday Galmudug ayay noqonaysaa marrkii labaad oo uu ku guul-darreysto doorashada kursigan, isagoo sanadkii 2016-kii sidana oo kale looga guuleystay isla doorashada kursigan uu ka geeriyooday Marxuum Bootaan Ciise Caalin.

Ugu dambeyn, Guusha C/llaahi Faarax Wehliye uu ka soo hoyay doorashada kursiga xildhibaannimo ee Baarlamaanka ayaa waxay u muuqataa mid u sii xoojineysa u dhawaanshihiisa xfiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

PUNTLAND POST