Taliyeyaasha AMISOM oo lagu Booriyey in ay Hir-galiyaan Xil-Wareejinta Hawl-galka

Muqdisho (PP) ─Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Simon Mulongo ayaa ka dalbaday taliyeyaasha ciidanka AMISOM in ay gacan geystaan hirgelinta qorshaha xilwareejinta sida uu amrayo qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsan habsami u dhimista ciidamada ka howlgala Soomaaliya.

Mulongo ayaa hadalkaasi shalay jeediyey xilli uu socday shirka taliyeyaasha sektarrada si looga wada hadlo arrimo la xidhiidha kala guurka iyo ku wareejinta mas’uuliyadaha amniga ciidamada amniga qaranka ee Soomaaliya sida ay ansixisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dhammaadkii sanadkii tagay.

Waxaa AMISOM laga filayaa in ay si tartiib tartiib ah u dhimto tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya, ayna dib-u-habayn ku sameyso saldhigyadeeda ay howlgallada ka fuliso iyadoo la shaqeyneysa ciidamada amniga qaran ee Soomaaliya si loo xaqiijisto in amniga qaran uusan halis u gelin inta lagu guda jiro muddada xilwareejinta.

Wakiil ku-xigeenka ayaa sheegay in geedi-socodka xilwareejinta u baahan yahay dadaallada oo la labajibbaaro si loo sii dafiro looga na adkaado Al-Shabaab loo na gaarsiiyo heer ay khatar daran aayan ugu keeni karin ciidamada ammaanka qaran ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku adkeeyey in AMISOM ay diiradda saareyso hirgelinta qorshaha xilwareejinta, waxaa uuna ciidamada ku booriyey in ay dib u hagaajiyaan istaraatijiyadooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Wakiil Ku-xigeenka ayaa yiri “Wax kasta oo aan hadda sameyneyno waa in ay ku wajaheysan yihiin xilwareejinta. Sida aad u qorsheyneysaan sektarradiina, sida aad u qorsheyneysaan cutubyadiina iyo howlihiina kaleba waa in ay ku wajahan yihiin xilwareejinta. Sideen ku taabagelin karnaa ciidamada deegaanka? Sideen ku daabagelin karnaa dadka deegaanka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda.”

Mudane Mulongo ayaa sheegay in wajiga ugu horreeya ee qorshaha xilwareejinta uu qaadan doono afar sano, guulaha na lagu ogaan doono awoodda waddanka uu 2020-ka ku qaban karo doorasho qofba iyo codkiisa ah oo nabdoon amni na leh, taasi oo uu yiri noqon doonta guul aad u weyn oo la gaaray.

Haji Ssebirumbi, Sarkaalka Sare ee AMISOM ee dhanka Arrimaha Siyaasadda oo soo bandhigay qorshaha xilwareejinta qabyaha ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay horumuud ka tahay hirgelinta qorshaha, AMISOM na ay kaalin taageero ciyaareyso.

“AMISOM 1,000 ciidan ayay dhimi doontaa meeshi lagu gaaro Oktoobar 2018-ka. Taasi waa guul, aan ognahay. Sidaa daraaddeed waxaa khasab ah in AMISOM ay dib-u-habayn isku sameyso si ay awooddo in ay isku difaacdo ciidan yar sababtoo ah 1,000 ciidan ayaa la dhimay, sanadkii hore” ayuu raaciyey Mudane Ssebirumbi.

PUNTLAND POST