Soomaaliland oo Xukun ku Riday Niciimo Abwaan Qorone

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamadi ay xukun ku riday Niciimo Abwaan Qorone.

Niciimo Qorone oo ah Gabar u dhaq dhaqaaqda Bulshada islamarkaasina Ah Abwaanad Qorta Bugaagta ayeey Soomaaliland ku eedeeysay ina ay ku dhaqaaqday waxyaabo ka dhan Soomaaliland.

Maxkmada Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa ku xukuntay Niciimo Abwaan Qorone 3 Sano oo Xarig ah.

Niciimo ayaa muddo ka badan 2 Bilood waxa ay si sharci daro ah ugu xirneyd Magaaladaasi Hargeysa.

Waxaa xukunkaasi cambaareeyay Aqoonyahano iyo Qeeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliland ayaa xukun ku rida dadka taga Muqdisho islamarkaasina taageera qaranimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho