Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta oo ka furmaya Damaam

Magaalada Damaam ee dalka Sucuudiga ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacada Carabta.

Shirkaan oo ay ka qeeybgalyaan inta badan madaxda Jaamacada Carabta ayaa looga hadlayaa Qadiyadaha wadamada ururkaasi kamid ah.

Shirkaan waxaa Soomaaliya u matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ajendayaasha shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha Falastiin, Syria Liibiya iyo arimo kale.

Gaba gabada kulankaasi ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro warmuriyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadlay.

Wadamada Jaamacada Carabta ayaa waxaa horyaala waxkaqabada xaalada Syria oo Mareeykanka iyo Xulufadiisa ay weeraro ku qaadeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post