RW Khayre oo ku taliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii shaqadiisa kasoo bixi waaya

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda.

Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceyriyo

“Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa,” ayuu yiri Xasan Kheyre.

Sidoo kale, Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Muqdisho kula yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ciidamadii xasilinta caasimadda laga raray xaafadihii ay markii hore Xamar uga sugnaayeen, iyadoo loo raray xaafadaha ku teedsan jidka Warshadaha ee Muqdisho.

PUNTLAND POST