Doorashada Kursi kamid ah Baarlamaanka oo Dhuusamareeb ka dhaceeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu ka dhacayo doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaasi waxaa horay uga geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Kursigaasi waxaa ku tartamaya labo Musharax oo doonaya in ay ku guuleeystaan xilkaasi waxaana ay kala yihiin Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax            ( Mideeye).

Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi lagu arkayaa Ciidamada oo aad u hubeeysan oo amniga sugaya.

Waa kursigii u dambeeyay oo Baarlamaanka Soomaaliya ka dhiman Dhowaana waxaa doorashooyin lagu dhameeystirayo kuraasta ka dhiman Baarlamaanka ay ka kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Jowhar.

Waa markii ugu horeeysay oo doorasho kursi Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhaceeyso Magaalada Dhuusamareeb.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho