Shir looga hadlayo Arimaha Dastuurka oo ka dhacaya Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka furmayo shir looga hadlayo Arimaha dastuurka Soomaaliya.

Shirkaan oo dhowr jeer oo hore lagu qabtay Qaar kamid ah xarumaha maamul Goboleedyada ayaa looga hadlayaa arimaha Dastuurka.

Shirka waxaa ka qeeybgalaya Wasiirka Dastuurka iyo wasiirada Arimaha dastuurka ee maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa soconaya muddo labo maalin ah waxaana laga soo saari doono war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay.

Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo waxaa kamid ah in Bulshada ku dhaqan Jubbaland ay aragti ku yeeshaan hanaanka dib u eegista dastuurka dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post