Madaxweyne Gaas oo la kulmay beeldaajaha lagu caleema-saarayo degmada Carmo

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Carmo ee gobolka Barri, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono caleema-saarka beeldaaje Maxamed beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Cabdulaahi.

Madaxweyne Gaas oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil ka socota madaxtooyada,ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar kamida Goloyaasha dowladda Puntland, Isimo iyo qaybaha kal duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Carmo.

Cabdiweli Gaas ayaa inta uusan u gudbin hoyga uu ka degay magaalada Carmo waxa uu booqasho iyo salaan ugu tegay beeldaajaha guud ee beelaha Cali Saleebaan,beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Cabdulaahi,isagoo u hambalyeeyay,islamarkaana Allaah ugu baryay inuu u fududeeyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Halkaan ka eeg sawirada.

PUNTLAND POST