Hay’adda u xil-saaran dib-u-eegida dastuurka Dalka oo la kulmay Xildhibaanada Jubaland

Kismaayo (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo ay wehliyaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan wadatashiga ah ayaa ahaa mid Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Guddiyada ay shaqo wadaagayihiin ay Xildhibaanada Jubbaland ugu soo bandhigayeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn ka hadlay muhiimadda kulanka isaga oo codsaday in la adkeeyo xiriirka wadashaqeeynta.

“Muhiimad wayn ayuu kulankan u leeyahay sedexda hay’ad ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka maadaama Xildhibaanada Jubbaland ay waxbadan ka ogyihiin arrimaha shuruucda, waxaan idinka codsanayaa in aan xoojinno wadashaqeynta inaga dhaxeysa si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarnno Geedi-socodkan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda, Xubnaha katirsan labada Guddi ee shaqada ku leh dib-u-eegista Dastuurka oo iyagana hadleen ayaa waxay xaqiijiyeen inay ku mideysanyihiin hawsha socota, waxayna Xildhibaanada Jubbaland ka codsadeen in ay ku garabistaagan ka guul gaarista Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxay talooyin ka bixiyeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo bandhigeen sedexda hay’ad ee ku shaqada leh dhameeystirka Dastuurka.

PUNTLAND POST