Dowladda Soomaaliya oo dib u howl galinaysa Shirkadii diyaaradaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay dib u howl geliso shirkadii diyaarahada Soomaaliya (Somali Airlines) muddo 28 sano ah kadib.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadkii hore gaaray dalka Turkiga ayaa  kulamo la qaatay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta dalka Turkiga iyo Shirkadda diyaaradaha dalkaas ee Turkish Airlines, waxayna kawada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa shirkadii diyaaradaha Soomaaliya  (Somali Airlines)

Sidoo kale  kulamada Madaxda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa looga hadlay sidii Wasaarada Gaadiidka Soomaaliya oo dhawaan la wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya ay Turkiga uga heli lahayd taageero dhinaca farsamada iyo tababarrada ah.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir Oomar oo ka koobnaa Lix xubnood ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka Cali Jaamac Jangeli hadana ah Xildhibaan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cali Gacal iyo ku xigeenka Maareeyaha Duulista Hawada Duuliye Caydaruus, waxaana u soo gabagaboobay booqasho saddex cisho ahayd.

Dalka Turkiga ayaa noqday dalka kaliya oo Soomaaliya si walaaltinimo ah ugu soo gurmaday, isagoo dalka ka hirgaliyay mashaariic kala duwan oo isugu jira hormarin iyo bini’aadanimo, wuxuuna hadda diyaar u yahay in uu Soomaaliya ka taageero dib u soo celinta shirkadii diyaaradaha Soomaaliya (Somali Airlines) oo muhiimad weyn u leh dalka.

Shirkadii diyaaradaha Soomaaliya (Somali Airlines) ayaa la aas-aasay sanadkii 1964-tii, taasi oo la micno ah in la aas-aasay 4 sano kadib Xurriyaddii Soomaaliya, waxayna qaban jirtay adeego duulimaad oo dalka iyo dibadaba ah, kuwaas oo muhiim u ahaa shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST