Ergayga QM ee Somalia oo booqday xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Waddanka Kenya

Dhadhaab (PP) ─ Mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida ku nool xerada qaxootiga ugu weyn ay Soomaalida ku nool yihiin ee ku taallo waqooyiga bari ee dalka Kenya, ayaa dareen la qaybsaday qaxootiga xaaladdooda isaga oo islamarkana shaaciyay horumarka dalkooda ka socda.

“Qof waliba oo qaxooti ah waa in uu go’aansado in uu si iskiisa ah u laabto. Qof kasta waxaa uu leeyahay meel uu ka helo xog, oo ay ka mid yihiin qoyskiisa, saaxiibbada iyo warbaahinta. Hase yeeshee, marmarka qaar wararka waxaa ay xoogga saaraan wararka xunxun, oo ay ka mid yihiin sheekooyinka ku saabsan colaado iyo abaaro. Aragti ahaan, sida ay ii sheegtay hooyo qoyskeeda dhowaan baxeyso, xaaladda Soomaaliya si tartiib ah ayay u sii wanaagsanaaneysaa,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, gebagebadii booqashada uu ku tagay xerooyinka qaxootiga Dhadhaab.

“Hadda waxaa jira maamul goboleedyo dhisan, nidaam federaali ah, waxaa jiraa dadaallo xooggan ee la isku dayayo in la wanaajiyo amniga – haa, Al-Shabaab weli caqabad ayay tahay, balse dhaqdhaqaaqyada ganacsi waa ay isa sii tarmayaan, xaaladdana hadba meel ayay ka sii wanaagsanaaneysaa,” ayuu raaciyay

Xerooyinka qaxootiga Dhadhaab waxaa haatan ku nool 226,472 qaxooti oo diiwaangashan iyo kuwo magangelyo doon ah. Boqolkiba 96 ee dadka ku nool afarta xero waa dad Soomaali ah.

Xerada ugu horreysay waxaa la dhisay 1991-dii, kaddib markii ay qaxootiga bilaabeen in ay ka soo qaxaan dagaallada sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya, ayna u gudbaan xudduudda dalka deriska la ah ee Kenya. Qaxootiga labaad ee ugu tiro badneyd ayaa waxaa ay soo galeen 2011-kii kaddib markii ku dhowaad 130,000 oo qaxootiga ka timid koonfurta Soomaaliya ee ay soo barakicisay abaaro iyo macluul ay xerooyinka soo gaareen.

“Waxaa la yaab ah in boqolkiba 80 dadkii Soomaaliya dib ugu laabtay ay yihiin kooxda labaad. Intooda badan waxaa ay go’aansadeen in ay dib u laaban karaan,” ayuu yiri Mudane Keating. “Balse kuwii halkan ku sugnaa muddo 27 sano, qaarkood ay yihiin qaxootiga jiilka labaad ama xita seddaxaad markii la eego, xiriirka ay la leeyihiin qoysaskooda iyo bulshada aad ayuu u yar yahay, sidaas darteedna aad ayay ugu adag tahay in ay go’aan ku gaaraan in ay isaga tagaan nabadgelyada ay ku haystaan xerooyinka qaxootiga.”

Howlaha xerooyinka oo uu maareeyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo tirada guud ee dadka ku nool xerooyinka aad ayay hoos u dhaceen iyada oo ay 2011-kii halka ku sugnaayeen dad gaarayo 463,427. Hoos u dhacaas ayaa waxaa loo aaneynaya in ay qayb weyn ka qaateen dib u laabashada dadka si iskood ah iyo kuwa gacan laga geystay, iyo sidoo kale deb u celinta ay dadku iyaga go’aansadeen.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo bah-wadaagteeda iyaga oo taageero ka helaya dowladda Kenya iyo bulshada halkaasi ku nool, ayaa muddo 27 sano qaxootiga u fidinayay adeegyada aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin cunno, caafimaad, hooy, nadaafad iyo waxbarasho.

Inta uu ku guda jiray booqashadiisa, Wakiilka Gaarka ah waxaa uu kulan la qaatay dadka wax u qabto qaxootiga, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha hay’adda UNHCR iyo dhowr ka mid ah bah-wadaagteeda sida Norwegian Refugee Council iyo hay’adda Laanqeerta Cas.

“Shaqo cajiib ah ayay haayaan markii la eego culeysyada dhinaca miisaaniyadda iyo dhimista taageerrada loo fidinayay,” ayuu yiri.

“Sharafta iyo geesinimada qaxootiga waa mid dhiiriggelin leh. Farxad ayay ii tahay in aan dhageysto aragtiyadooda iyo rajadooda mustaqbalka. Arrinta ay inta badan ku celceliyeen ayaa waxaa ay tahay, in kastoo kuwo badan ay aaminsan yihiin in xaaladda ay wanaagsanaaneyso – tanina waxaa ay ku xiran tahay halka ay ka soo jeedaan Soomaaliya – waxaa ay weli walaac ka muujinaayeen amniga, waxaa ay ka welwelsan yihiin fursadaha shaqo, waxaana aad ula dhacay sidii ay ugu celcelinayeen waxbarashada, waxbarashada carruurtooda,” ayuu Mudane Keating ka yiri kulanka uu la qaatay qaxootiga.

“Si la mid ah waalid kasta meel kasta ha joogee, dadka aan la kulmay waxaa ay carruurtooda u rabaan waxbarashada heerka ugu sarreeya, mana u arkaan taasi in laga helayo Soomaaliya. Qaar ka mid ah ardeyda aan la kulmey iyagana sidaasi ayay igu yiraahdeen,” ayuu yiri. “Waxaa sidoo kale macquul ah in la isku xiriiriyo waxbarashada iyo tababarka farsamada gacanta ee halkan ka jira iyo fursadaha iyo baahiyaha Soomaaliya ka jira.”

Mas’uulka QM oo sidoo kale madax ka ah Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa carrabka ku celceliyay in booqashadiisa ay ahayd mid la isku dhaafsanayo macluumaad, iyada oo wixii uu halkaasi ka maqlay ay muhiim u tahay shaqadiisa iyo wada shaqeynta uu la leeyahay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.

“Shaqadeyda ma ahan in aan qaxootiga amar siiyo – waxaa aan halkan u joogaa in aan dhageysto kaddibna farriinta aan la tago aana qorshaha ku darsanno, dhinaca sidii aan u aragno in ay Soomaaliya horey u socon karto,” ayuu yiri Keating.

Xigasho: UNSOM

PUNTLAND POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *