Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub oo la Qori tuuray

Real Madrid vs Bayer, Liverpool vs Roma

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay Qori tuurka isku Aadka Afar dhamaadka (Semi-finals) tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee Champions League-ga.

Tartanka ayaa waxaa horey ugu soo baxay Afar kooxood oo ka kala socda dalalka Egland, Spain, Italy iyo Germany oo kala ah Liverbool, Real Madrid, Roma iyo Bayer Munich.

Kooxda Real Madrid ayaa mari doonta tijaabo kale oo culus isla markaana la kulmi doonta Bayern Munich, kuwaas oo sanadkii hore isku arkay siddeed dhamaadka tartankan markaas oo ay soo baxday Real Madrid.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa ku dhacday Roma oo Siddeed dhamaadkii si layaab leh uga soo baxday Barcelona ,  iyadoo Mohamed Salah uu la ciyaari doono kooxdiisii hore.

Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 24-ka iyo 25-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 1-da iyo 2-da May.

PUNTLAND POST