Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis sameeyay

Shariif Xasan, Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Baay Ibraahim Isgoowe Ibraahim.

Digreetada xilka looga qaaday Taliha Nabad sugidda Gobolka Baay ayaa la ogeysiiyay Taliyaha Nabad sugidda Qaranka, Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, Taliyaha Nabad sugidda qeybta Koonfur Galbeed, Taliyaha Booliska qeybta Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad.

Sidoo kale Digreetada ayaa lagu sheegay sababta xilka looga qaaday Taliye Ibraahim in ay tahay kadib markii uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday, lana shaqeyn waayay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Saraakiisha kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

PUNTLAND POST