Makhtal”Somaliland ayaa dishay ganacsade Timir”.

Guddoomiyaha cusub ee Puntland u magacowday degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Somaliland ku eedeeyay dilkii ganacsade Maxammed Cabdi Timir oo bilowdii todobaadkan lagu dilay degmadaasi Laascaanood.

Guddoomiyaha cusub oo lagu magacaabo Cabdiqani Makhtal Maxammed, ayaa mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee Puntland u sheegay, in Somaliland ay dil qorshaysan ku dishay ganacsadahaan,si loogu moodo aano-qabiil,islamarkaana beeluhu dhexdooda u dagaallamaan.

Sidoo kale Makhtal ayaa sheegay in shir-qool ay Somaliland u maleegtay,Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac uu fashil ku dhammaaday,kadib markii laga war helay,sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka dhegayso.

Codka Makhtal

PUNTLAND POST