Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu waday in xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho uu maanta ka dhaco Kulanka hadal jeedin Gudoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Gudoomiye Jawaari ayaa fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya lagu waday in uu qudbad uu kaga hadlayo is casilaadiisa ka jeediyo.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in kulanka Maanta uu baaqday islamarkaasina uu dib u dhacay maalinta khamiista ah ee bari.
Gudoomiye Muudeey ayaa xalay u diray Xildhibaanada Fariin uu ku sheegay in maanta wax kulan ah aanu jirin.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii Baarlamaanka ee ugu waqtiga dheeraa ayaa is casilay dhowaan kadib khilaaf isaga iyo xukuumada dhexmaray.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho