Maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho waxaa ka dhacay kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay isugu imaanayaan.
Kulankaan oo ah mid ka duwan kulamadii hore ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa la horgeeynayaa Mooshinkii laga soo gudbiyay.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Ibraahim Muudeey ayaa shalay iclaamiyay kulankaasi isaga oo xildhibaanada u diray fariimaha kulanka maanta oo Isniin ah.
Wali waxaa taagan khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexjira Baarlamaanka Dhexdiisa.
Amaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaa sidoo kale la xiray qeeybaha muhiimka ah ee Muqdisho.
Lama sii saadaalin karo waxa ka soo bixi doono kulankaan Baarlamaanka ee Maanta.
Faah Faahinta dib ugala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho