Wadada halbowlaha u ah Magaalada Bosaaso oo dayactir lagu samaynayo .

Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari ayaa maanta waxa laga daah-furay Dib u dayac tir lagu sameynayo wadada laamiga ah ee dhexmarta Bosaso oo in mudo ah bur bur uu ka muuqday.

Wadadan ayaan wax dib u habayn ah lagu sameyn tan iyo wixii ka danbeyey dawladii dhexe.

Maamulkii hore ee Degmada Bosaso ee uu Madaxweyne Gaas uu kala diray  ayaa dhawr jeer isku dayey in ay dayactir  ku sameeyan lakiin uma suuroobin.

Wadada ayaa la sheegay in lagu dhisaayo iska wax u qabso oo mudooyinka dambe shacabka Puntland ay ku dhisteen wadooyin fara badan.
Dhammaan gaadiidka isticmaala wadadaasi ayaa  laga qaadayaa  lacag dhan 10 doolar si loo dayactiro wadada.