Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Lacagtii lagu qabtay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Lacag diyaaradi siday oo maanta lagu qabtay Garoonka diyaaraha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta barqadii abaaro 11:40am ay Garoonka Aadan Cade soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo siday Boorsooyin laga soo buuxiyay lacago doolar ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Lacagta la qabtay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah), hay’adaha amniguna haatan ay ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan waddamo ay Dowlaadu xiriir la leedahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lacagtaas qaar loo waday ciidanka Badda Puntland ee PMPF, halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid warkaas xaqiijinjisay.

PUNTLAND POST