Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo mamnuucday Xubnihii la kala diray ee Golaha Degaanka caasimadda Garowe.

Wasaaradda Arrimaha gudah dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in Golaha Degaanka cusub ee loo soo xulayo caasimadda Garoowe ay mamnuuc ka yihiin dhammaan xubnihii ka tirsanaa Golihii Degaanka ee maalmo ka hor la kala diray.

Qoraal ay Sabtida maanta ah soo saartay Wasaaraddu,ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan gebi ahaanba la aqbali doonin xubnihii ka tirsaa Golayaashii la kala diray ee caasimadda Garoowe soo maray,islamarkaana lagu celin doono beeshii soo xulata xubin ka tirsanaa Golyaashaasi.

Dhinaca kale wasaaradda ayaa shuruudaha ku soo dartay in aan qof ka tirsan shaqaalaha dowladda Puntland loo soo xuli karin, xubnaha cusub ee Golaha Degaanka Garoowe.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran.

PUNRLAND POST