Madaxweyne Gaas oo garoonka diyaaradaha Qardho ugu magac-daray Marxuun Abshir Muuse.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii sare ee jabhaddii SSDF.

Madaxweyne Gaas oo saaka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kaga qeyb galay aas-qaran oo loo sameeyay marxuun Abshir Muuse Siciid oo dhowaan ku geeriyooday dalka UK,ayaa ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dowladnimada Puntland,wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray.

Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF).

Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN).