Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay Askari Gaari kala fakaday

Bosaso-[Puntland Post]-Maxkamada danbiyada culus ee Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey danbiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan.

Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal.

Dhinaca Kale xukunka la guridey xukumane Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in danbiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso