Degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar oo markii u horraysay taariikhda Gole Degaan yeelatay.

Xildhibaannada cusub ee loo soo xulay Golaha Degaanka degmada xaafuun ee gobolka Karkaar oo xalay la dhaariyay ayaa maanta guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenk doortay.

Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna duqa xaafuun ayaa loo doortay,Abshir Cabdi Axmed,halka ku xigeenkiisana loo doortay,Axmed Maxammed Cabdi.

13 kamid ah 17-ka xubnood ee Xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Xaafuun ayaa doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa,waxaana madasha lagu doortay goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland iyo maamulka gobolka Karkaar.

Golaha Degaanka cusub ee Xaafuun ayaa ah kii ugu horreeeyay ee ay yeelato degmadaasi oo ka tirsan gobolka Karkaar.

PUNTLAND POST