Masuuliyiin dil iyo dhaawac loogu geeystay Muqdisho

Koox hubeeysan ayaa dil iyo dhaawac waxa ay Magaalada Muqdisho ugu geeysteen masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Xamar Weyne ee Muqdisho.

Kooxdaan Hubeeysnaa ayaa rasaas ku furay Maxamuud Macalin Xasan Fagaase oo ahaa Gudoomiye waaxaad iyo Xasan Buux oo isagana ahaa Gudoomiye Tabeeleed.

Labadaasi masuul ayaa isla socday xiliga uu falkaasi dhacayay waxaana geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Macalin Xasan Fagaase waxaana halkaasi dhaawac ka soo Gaaray Gudoomiye Xasan Buux oo ah gudoomiye laameed Degmada Xamarweyne.

Kooxdii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta ay falkaasi ka geeysteen waxaana soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi iyga oo sheegay in ay dileen masuuliyiin katirsan Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa ka dhaca falal isugu jiro dil iyo dhaawac loogu geeysto masuuliyiin dowlada katirsan

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho