Xulashada Abiy Axmed Waxay ahayd tallaabbada keliya ee u furnayd EPRDF-ta

Maalintii talaadada ahayd ee March 27, 2018, markii ay golaha Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) ee dalka Itoobiya ay ku dhawaaqeen Abiy Axmed Cali Cumar DHera inay u doorteen gudoomiyaha xizbiga iyo waliba inuu yahay ra’iisal wazaaraha dalka ayaa mar keliya magaallada Addis Ababa xiisadihii mudaaharaadka ee ka aloosnaa waxay isu bedeleen heeso, qoob-ka-cayaar, iyo jidadka laysugu hambalyeeyo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamanka dalkaas codkiisa siiyo si aan shaki ku jirin.

Sida muuqata Abiy Axmed ayaa in la soo magacaabo waxaa sabab u ahaa bannaan baxyo muddo 3 sano dalka ka socday oo ay qoomiyadda Oromada ah kaga cabanaysay in si bareer ah looga faquuqay wax ku lahaanshaha talada dalka, banaan baxyadaas ayaa dowladda Itoobiya ku qasbay inay labo jeer ku xaalad degdeg inuu dalka ku jiro. Abiy ayaa ka soo baxay kulano adkaa oo socday muddo bil iyo labo toddobaad ah ka dib markuu si lama filaan ah isu cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Guusha Abiy ayaa timid ka dib markii uu tartanka ka haray Demeke Mekonnen oo isagu ka soo jeeday DHaqdhaqaaqa Wadaniga Diimuqraadiga ee Amxaarad, waxaa asguna uu noqday guddoomiye ku xigeenka, isla markaasna tanaazulka uu sameeyay ayaa lagu macnayn karaa inuu horseedayo inuu samaysmo is-bahaysi dhex mara labada qabiil ee ugu waaweeyn dalkaas ee Amxaarada iyo Oromada.

Sida laga war qabo, Abiy ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee Oromo ama Muslim ah ee taariikhda casriga hoggaamiya dalka Itoobiya, waxaana talada u dhiibay xizbiga EPRDF ee talada dalka ka qaaday nidaamkii Derge ahaa ee Mengistu Xaylemariam, xizbigan ayaa waxaa isugu tegay oo ku midoobay Oromada 34.4% tirada dadka Itoobiya, Amxaarrada 27%, Tigray 6.1%, iyo qabiilo ilaa 40 qabiil gaaraya oo laysku yiraahdo Qaarumaha Koonfurta, iyoWadaniyiinta Dadka ee Gobolka (The Southern Nations, Nationalities and People’s Region) oo uu ku jiro qabiilka Wolayta oo uu u dhashay ra’iisal wazaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxaa isna sidaas oo kale qaarumaha konfurta ka soo jeeda Waziirka Gaashaan-DHigga dalkaas Siraj Fegesa.

Abiy Axmed; waa Obamaha Itoobiya!!….
Marka ay timaado arrimaha iyo xaaladaha guud ee uu dalka Itoobiya ku suganyahay xagga siyaasadda ma jiraan wax weyn oo la filayo inuu bedelo Abiy Axmed siiba dhanka arrimaha dibadda, hasa yeeshee siyaasadda gudaha iyo inuu dejiyo xiisadaha dalka ka jiray oo ah sababta u weyn ee loo doortay ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto, waxaana in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay indhaha ku hayaan waxa uu ka yeelo ama go’aanka uu ka qaato maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda ugu xiran dalkaas. Waxaa kaloo iyadana laga sugayaa wax ka qabashada xiisadda ka dhex aloosan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada, iyadoo waliba shacabka is-maamulka Soomaalida Itoobiya si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Abiy Axmed una haysta inuu yahay nin sumcad wanaagsan leh oo kasban kara kalsoonida labada shacab.

DHanka kale ra’iisal wazaaraha cusub in kasta oo loo doortay guddoomiyaha xizbigiisa EPRDF-ta isla markaasna uu yahay ra’iisal wazaaraha dalka hadana waxay dad badan rumaysanyihiin in arrimaha amniga iyo ciidammada ay adkaanayso inuu si buuxdo u maamulo. In kastoo uu Abiy leeyahay waayo aragnimo xagga ciidanka la xiriirta oo uu gaaray darajada Gaashaanle DHexe (Lieutenant colonel ) haddana si dhib yar oo uu u madax bannaanyahay uma hanan doono arrimaha amniga iyo ciidammada, waxaana laga sugayaa siduu wax uga bedeli lahaa siyaasadda 30 jirka ku dhow ee xukuumaddii Tigreega laga dhaxlay, waxaana intaas u dheer oo aysan dad badan rumaysnayn inuu wax badan ka qaban karo tabashada faraha badan ee Qoomiyadda Oromada ah ee uu ka soo jeedo isaga laf ahaantiisa, kuwaasoo tabanaya dulmi dhinac kasta ah oo sida mararka qaarkood la sheego la bilowday taariikhda dheer ee dalka iyo dowladnimmada Itoobiya, waana sababta ugu muhiimsanayd ee uu ku salaynaa kacdoonkii seddexda sano socday ee uu isku cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee Xaylemaryama Deseliin (Hailemariam Desalegn).

Siyaasaddiisa Soomaaliya!
Fursadda uu ku soo baxay Abiy Axmed ee uu ku noqday ra’iisal wazaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay fursad ku timid in laysku badbaadiyo oo keliya, waxaana muuqday oo xizbiga EPRDF-ta u muuqday inay arrimuhu ku sii siqiyaan dhanka halista, sidaas daraadeedna tallaabada keliya ee furana ay tahay in maanta Abiy Axmed la qaato, taasi waxay ku tusaysaa dirqiga ay fursadani ku suuro gashay iyo sida ay u yartahay inay mar labaad soo noqoto!….waxaana guud ahaan dabeecadda uu ku soo baxay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay shabbahdaa middii uu ku soo baxay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka Brack Obama ama uu ku soo bixi kar qofka African American-ka ah si madax-weyne uga noqdo dalka Maraykanka! Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu tilmaamay nin siyaasad qabow oo deggan ku hoggaamin doona siyaasadda dalka.

Abiy Axmed, lagama filiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabihii horay u soo socday ee xukuumaddii ka horeysay ay waday, sida heshiiska dekedda Berbera ee ay wada saxiixdeen shirkadda DP World ee Midowga Immaardaha Carabta!….Waxaana arrimaha Soomaaliya fahamka uu ka qabo mar kasta uu ku xirnaanayaa hadba sida ay ugu qeexaan dalalka ay markii horaba Itoobiya taladooda ku soo gashay Soomaaliya, waxaana sidaasoo kale qayb badan oo saamayn ah ku yeelanaya dalalka Gacanka Carabta, iyo dalalka kale ee dan wadaagta ay ku yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Kenya.

Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan