Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee,Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii Jabhadda SSDF oo xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dowladda Puntland,ayaa madaxweyne Gaas tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaanna dadweynaha reer Puntland iyo qoyskii uu ka baxay marxuum,Abshir Muuse Siciid.
Marxuun Abshir Muuse Siciid ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee Jabhaddii(SSDF).
Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN).
PUNTLAND POST