Puntland oo shaacisay in aan wax qadaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha canshuurta la baxsada.


Dowladda Puntland ayaa shaacisay in aan wax qandaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha aan bixin canshuurta ku waajibtay,maalmo uun kadib markii madaxweyne Gaas amar ku siiyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay canshuurta bixiyaan.

Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah,ayaa lagu sheegay in shirkadaha iyo hay’adaha qandaraaska ka haysta Puntland aan laga aqbali doonin in ay la baxsadaan canshuurta,islamarkaana aan qandaraas cusub la siin doonin hay’addii ama shirkaddi canshuur lagu yeesho.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegaysa in tallaabadan looga golleeyay, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo dardar-gelinta bixinta candhuuraha,waxaana sidoo kale hay’adaha lagu amray in ay marwalba mudnaanta siiyaan baahiyaha ay u soo gudbiyaan Wasaaradaha dowladda,marka laga hadlayo caawinta bulshada reer Puntland.

PUNTLAND POST