Xildhibaanad lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox ku hubeeysanaa Bastoolado ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Xildhibaan ka tirsaneyd Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Kooxahaasi ayaa dilay allaha u naxariistee Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gambane oo Baarlamaanka koonfur Galbeed katirsaneyd.

Allaha u naxariistee Xildhibaanada ayaa lagu dilay xaafada Maana Booliyo  Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir Gaar ahaan Farmishiye ay ku laheyd oo Gurigeedii ku dhexyaalay.

Geerida Xildhibaanada ayaa waxaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Maamulkaasi Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Dilka kadib ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa tagay oo howlgalo halkaasi ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilalka qorsheeysan oo loo geeysto masuuliyiinta dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho