Shir ku saabsan fulinta qorshaha horumarineed ee Puntland oo Garoowe lagu soo xiray.

Shir ku saabsan heerka fulinta ee uu marayo qorshaha horumarineed ee degmooyinka iyo gobollada Puntland oo ay soo qaban-qaabisay dalladda ay ku midaysan yihii ururrada bulshada rayid ah ee PUNSAA ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyay caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Shirkaan oo mudda laba maalmood ah socday ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha ee dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka,waxaana intii shirkaan socday laga soo jeediyay su’aalo la xiriira qorshaha horumarineed ee degaannada Puntland,iyadoo madaxdii ka socotay wasaaradaha ay ka jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen qeybaha kala duwan ee bulshadii shirka ka soo qeybgashay.

War-murtiyeed ka soo baxay geba-gabadii shirkaan ayaa laga soo jeediyay talooyin ku saabsan fulinta qorshaha horumarineed ee degaannada Puntland,waxaana dowladda loogu baaqay in ay samayso hab midaysan oo ay ku wada-shaqeyn karaan bulshada rayidka ah iyo dowladda,si dadweynaha loogu soo bandhigo heerka fulinta mashaariicda horumarineed ee degaannada Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka dalladda ay ku midaysan yihii ururrada bulshada rayid ah ee PUNSAA,Mustafe Cabdullaahi Cabdi ayaa geba-gabadii shirkaan ka hadlay ayaa sheegay in marwalba ay muhiimtahay in dowladdu bulshada la wadaagto sida loo fuliyay mashaariicda horumarineed ee ka socda degaannada Puntland. War-murtiyeedkaan ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay saalim Daahir Yuusuf oo ka tirsan PUNSAA.

Halkaan ka daawo shirka.

Hoos ka eeg sawirrada.

PUNTLAND POST