Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta shaaciyay xilliga codka loo qaadayo mooshinka laga soo gudbiyay guddoomiyaha Golaha shacabka Maxammed Sheekh Cismaan Jawaari.
Qoraal uu soo saaray Muudeey Axadda maanta ah, ayuu ku sheegay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 31-Maarso dib loo furi doono Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Kulankiisa 3-aad,islamarkaana ajendihiisu yahay mooshinka laga gudbiyay Jawaari.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee ka maqan magaalada Muqdisho u qabtay ugu dambayn in ay maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-ka ay soo galaan Muqdisho, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
PUNTLAND POST