Somaliland oo gebi ahaanba joojisay wada-hadalkii Xukuumadda Federaalka

 

Somaliland ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojisay Wada-hadalkii ay kula jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadday maamulkiisa,sidaasi darteedna uu joojiyay wada-hadalkii la qorsheeyay 19-kii bishaan Maarso.

Muuse Biixi fahfaahin kama bixin weerarka ay soo qaadday Xukuumadda Soomaaliya,balse wuxuu tilmaamay in Somaliland aysan marnaba wax ka dhisan Xukuumadihii is-xigay ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib.

Halkaan ka daawo Biixi.

PUNTLAND POST