Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo xukunno ridday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday saddex nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Saddexda nin oo lagu kala magacaabo;Maxammed Cabdiraxmaan Maxamuud,Jamaal Maxammed Cali iyo Axmed Aadan weerar ayaa dhammaantood la sheegay in lagu helay denbiyada lagu kala eedeeyay,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,G/sare Xassan cali Nuur Shuute.

Maxkamadda ayaa xabsi-daa’im ku xukuntay,Maxammed Cabdiraxmaan Maxamuud oo lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta qaraxyada,halka Maxammed Cali iyo Axmed Aadan weerar oo lagu eedeeyay qeybta qaraxyada lagu riday min 10 sano xabsi ciidan ah.

Halkaan ka daawo sida xukunka loo riday.

PUNTLAND POST