Maamulka Gedo oo sheegay in dagaalkii Al-shabaab loo leexinayo ciidamada Kenya

Maamulka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ay dirayan ciidan difaaca degmada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay militariga Kenya ay boholo iyo booraamo waaweyn ka jeexeen.

Dadweynaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa soo sheegay in dowladda Kenya ay magaalada laba u kala qeybisay,kadib markii ay darbi iyo boholo ka dhex jeexday xaafado kamid ah Beledxaawo.

Shacabka degamadaasi ayaa mudaharaadyo xooggan oo looga horjeedo dhibaatada Kenya waxay ka hor sameeyeen ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan,iyagoo meelaha qaar aasay godadkii la qoday.

Haddaba guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Gedo,Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab ay u leexinayan dhinaca ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay dhul boob ku hayaan degmada Beledxaawo.

Mudane.Cusmaan Nuur Xaaji ayaa intaas ku daray in ciidan difaaca loo ditayo degmadaasi,si looga hortago boobka dalka Kenya ay ku qaadanayan qeybo kamid ah Beledxaawo.

PUNTLAND POST