THAABID: Shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loo turo oo aan lagu dul-cayaarin

 Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho ee xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudane Taabit Cabdi ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, sidoo kale dadkii la sumeeyay iyo qoyskii ku dhintay dabkii ka kacay Yaaqshiid.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan mudnayn in lagu dul-cayaaro dhaanto siyaasadeed.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku billabaay; Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.

Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.

Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo.

Ugu dambeyn, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado.

Waxaan ku baaqayaa:

  1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin.
  2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka.
  3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah.
  4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan.

PUNTLAND POST