Puntland : Ganacsato beenisay Iney Taageero siiyaan Ururka Daacish

Bosaso[Puntland Post]- Magaaladda Bosaso Waxaa lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatade reer Puntland Ah, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo aqoonyahano.

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn lagu tilmaamo waxa uusan ahayn,. isla markaana ka maamul ahaan caddenayaan in ganacsatadaasi aysan lahayn dambigaasi.

“Markaan wax badan baarnay, waxaan oganaay in ganacsatadaasi aysan lahayn dambi, waana difaaci doonaa ciddii aan dambiga lahayn oo qaab siyaasad kale ah loogu soo oogay dambi aysan lahayn ” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo

Siyaasi Khadar Xaaji Mire oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagu soo duulay ganacsatadii gobolka Bari, isla markaana aysan u dul qaadan doonin.

Sidoo Kale Qaar Kamid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Bari ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay Go’aanka ay Kooxda La socodka Cunaqabateynta ee saaran soomaaliya iyo Eritrea, Ku eedeeyeen Ganacsatadan Soomaaliyeed.

Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan Dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri,

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso