FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ug yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax weyn oo galabta ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Hotel Wehliye, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo kuwa caafimadka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia, C/casiis Xildhibaan oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay inta la shaaciyay ka badan karto.

“Dadka ku dhintay weerarkan intooda badan waxay ahaayeen dad waddada marayay iyo kuwa ganacsiyada kala duwan ku haysta,” ayuu afhayeenku ku daray hadlakiisa.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa ku eedeeyay weerarkan inay mas’uul ka tahay kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Al-shabaab ayaa weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho waxay noqdeen kuwo is-daba-joog ah, iyadoo weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500-qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku dishay 21-qof, kuwaasoo dhacay bilk a hor, waxaana kooxdan ay inta badan beegsataa goobaha ay shacabku ku badan yihiin.

Ugu dambeyn, Weerarkan khasaaraha badan geystay ee maanta Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu jiro khilaaf xoog leh oo salka ku haya awoodda hoggaamineed ee Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya hay’adaha sare ee xukuumadda.

 

PUNTLAND POST