Dhibane Iman Cabdiraxmaan Maxamed oo Djabuuti ku Geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa dalka Djabuuti ku geeriyootay Iimaan Cabdiraxmaan Maxamed oo in muddo ah la xanuunsaneeysay cudurka Kansarka.

Allaha u naxariistee Iimaan ayaa in muddo ah ku xanuunsaneeysay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Marxuumad Iimaaaan ayaa markii dambe la keenay Magaalada Muqdisho shalay ayaana safar caafimaad looga ambabixiyay dalka Turkiga.

Marxuumada ayaa dalka Djbuuti ku xanuunsatay taasi oo sababtay in diyaarada laga reebo kadib markii ay xamili weeysay.

ugu dambeeyntii Saakay waabarigii ayeey Iimaan ku geeriyootay Isbitaal ku yaala dalka Djabuuti.

Warbaahinta Puntland Post ayaa ka tacsiyeeyneeysa geeridaasi ku timid walaasheen Iimaan Cabdiraxmaan waxaana leenahay Janadii Allaha ugu bishaareeyo.

PUNTLAND POST