AKHRISO: Warbixin ay soo saareen Guddigii Aqalka Sare ee Xallinta Khilaafka Taagan

Muqdisho (PP) ─Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysteen guddi toddoba xubnood ka kooban oo ay u saareen xallinta khilaafka u dhexeeya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka dhashay mooshinkii laga keenay Jawaari.

Warbixinta oo dhawr qodob ka kooban ayaa waxay u qornayd sidan;

Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aa, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday,  waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

Mas’uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka Labaad:

Kulanka oo dhacay Maarso  17, 2018-kii,  guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo .

Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah.

Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas’uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka.

Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad:

Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka .

Kulanka guddiga iyo Ra’iisul Wasaaraha:

Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,  waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska.

La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda :

Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka.

Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka.

Talo-soo-jeedinta Guddiga:

  1. Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan.
  2. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay.
  3. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka.
  4. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada.
  5. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka.
  6. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.
  7. Ugu dambeyn, Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra’isul wasaaraha iyo shacabka.

PUNTLAND POST