FAAHFAAHIN: Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidammo kawada tirsan Dowladda Somalia

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, dagaal culus oo Muqdisho ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka mid ah kuwa uu tababaray dalka Imaaraadka iyo ciidammo ka tirsan kuwa NISA ee Dowladda Somalia, iyadoo rasaasta ay is-weydaarsanayeen ay gaartay xaaado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayaa ku dagaalamay xaafado ka tirsan degmada Hodan, gaar ahaan tarabuunka iyo warshadda caanaha oo dhexdooda ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Imaaraadku tababaro.

Hay’adaha ammaanka dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin dagaalkaan ku dhexmaray Muqdisho ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo dagaalkan uu ahaa mid xoog leh oo rasaas culus la isku dhaafsaday.

Illaa hadda lama oga sababta keentay inay ciidamadan dagaalkaan, laakiinse wararka ayaa sheegaya in ciiadmadii Imaaradku ay ku awood bateen, balse rasaasta ayaa haatan qabowday.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo dagaallo noocan oo kale ah ay ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda ku dhex-maro goobaha ay saaka ku dagaalameen.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandpost haddii Alle idmo.

PUNTLAND POST