Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari oo doonaya in isbeddel lagu sameeyo Qodob…


Muqdisho (PP) ─
Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa dadaal ugu jira wax ka beddel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka golaha shacabka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Prof. Jawaari.

Qodobka kooxdan dhibaatada ku ah ee ay doonayaan in wax laga bedelo ayaa ah Qodobka sagaalaad oo dhigaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso mid qarsoodi ah.

Qodobka sagaalaad, farqadiisa shanaad ee doonayaan in wax laga beddelo ayaa dhigaya; Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:

A. Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.

B. Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka sagaalaad farqadiisa laba ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban 15 maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.

Sidoo kale, ujeedadda ayaa ah in qodobkaas laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari.

Ugu dambeyn, lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse wararkani sheegayaan in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto gacan-taag.

PUNTLAND POST