Shirka Sirdoonka Militariga iyo Wadaagista Macluumaadka oo ka Furmay magaalada Muqdisho

Muqdisho, 19 Maarso 2018 – Shirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Is-dhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha sirdoonka ee kala duwan ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shalay ka furmay caasimadda Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai ayaa u ol’oleylanaya in ay hay’adaha sirdoonka ay la yimaadaan habab la isku dhaafsado sirdoonka si sare loo qaado natiijooyinka.

“Xogta waa in la aruuriyaa loona adeegsadaa qaab xaqiijinayo hufnaan dhinaca howlgallada iyadoo aan halis la carqaladeyneyn xalaalnimada iyo caddaaladda lagama maarmaanka u ah howlgalka nabadda si uu si wax ku ool ah u guto howshiisa,” ayuu hadalkiisa ku furtay Sarreeye Gaas Gituai.

Shirka waxa lagu eegi doonaa sida loo heli karo ilaha macluumaadka ee aan rasmiga ahayn, waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadaagista iyo is-dhaafsiga sirdoonka, iyo khatarta cusub ee ka imaanaysa kooxda argagixisada Al-Shabaab, xilli ay awoodda maleeshiyada wiiqeen weerarrada kaga imaanayo Dowladda Federaalka ah, Midowga Afrika, iyo ciidamada bah-wadaagta ah.

“Sirdoonka aad ayuu muhiim ugu yahay howlgalka nabadda, si ay u siiyaan dadka go’aannada gaaro wacyi ku aaddan xaaladda, iyada oo loo marayo falanqeyn abaabushan ee xogta oo ay sameeyaan qaybaha kala duwan ee howlgalka,” ayuu Sarreeye Gaas Gituai u sheegay ka qayb-galayaasha shirka saddexaad ee wadaagista macluumaadka. Ka qayb-galayaasha waxaa ay isugu jiraan saraakiisha sirdoonka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee AMISOM, ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta muhiimka ah ee ammaanka caalimiga.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “nidaamyada hufan iyo qaab-dhismeedka,” kuwaas oo xaqiijin doona in macluumaadka la uruuriyay loo wadaago loona kaydiyo si ammaan ah, kaas oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada ayaa uga digay ka qayb-galayaasha in ay si weyn ugu tiirsanaadaan kaliya tirada xogta, isagoo ku dooday in tiro badnida macluumaadka ay mararka qaarkood carqalad ku noqon karaan turjumidda saxda ah ee xogta. “Xaaladda hadda aaan ku sugannahay, waxaa ay tahay in arrant su’aasha mudan aysan ahayn in ay tahay in sirdoonka la wadaago, balse waxa ay tahay sidee, goormaa iyo heer intee la’eg ayaa la wadaagi karaa,” ayuu ka yiri shirka.

Waxaa qayb ka ah waxyaabaha mudnaanta u ah wadaagista sirdoonka/xogta waa in la fududeeyo, la ogaado, laga hortago lagana falceliyo khatarta iyo halista la xidhiidha argagixisada kuwaas oo loo sameeyo hab hufan oo sidoo kale faa’iido u ah hay’adaha, meelaha ay ka socdaan howlgallada, hay’adaha maxalliga ah si loo taageero dadaallada wax looga qabanayo amniga iyo khatarta.”

Shirka waxaa gacan geystay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST), waxaana looga gol leeyahay kor u qaadista hannaanka iyo isku-duwidda is-dhaafsiga macluumaadka ee ka dhaxeeya kooxaha kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo wadaagista sirdoonka, oo kaalin muhiim ah ka ciyaartay ka hortagga weerarada argagixiso.

Sarkaalka Madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Gaashaanle Naboth Mwesigwa ayaa sheegay in shirka uu “Xoojin doono uruurinta sirdoonka” iyada oo uu gacan ka geysan doono qaabeynta awooda dhinaca difaaca iyo howlgallada, iyada oo isla markana dhisayo kalsoonida iyo xidhiidhka bah-wadaagta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xigasho:http://amisom-au.org/so