Ra’iisul Wasaarihii ugu xiliga dheeraa Jabuuti oo Geeriyooday iyo Farmaajo oo ka hadlay


Muqdisho (PP) ─
Waxaa geeriyooday Allaha u naxariistee Barkhad Gurad Xamaduu oo muddo 23-sano ra’iisul wasaare ka ahaa dalka Jabuuti, kaddib muddo fog oo uu xanuunsayay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha Somalia.

Marxuumka ayaa lagu daweynayay sannadihii u dambeeyay Faransiiska oo xanuunkiisa loo qaaday, waxaana uu ra’iisul wasaare ka ahaa dalka Jabuuti sannadihii u dhexeeyay 1978-kii illaa 2001-dii.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun… Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qaybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo,” ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in muddadii 23-ka sano ahayd ee uu marxuumku ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti inuu qeyn weyn ka qaatay horumarinta iyo xasilinta waddankiisa, wuxuuna marxuumku kasoo jeeday qowmiyadda Cafarta  ee reer Jabuuti.

Dhanka kale, Marxuumka ayaa dhashay sannadkii 1930-kii, isagoo haatan ku geeriyooday da’da 88-jir-ka wuxuuna ahaa mas’uul weyn looga yaqaanay Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa dhawaan lagu aasi doonaa dalka Jabuuti, balse lama oga in madaxda Soomaalida ay ka qayb-galayaan aaskiisa iyo in kale, waxaana shacabkiisa iyo ehelladiisa loo diray tacsi tiiraanyo leh.

PUNTLAND POST