Golaha Wasiirada Puntland oo haatan kulan deg deg ah ku jira

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Golihiisa Wasiirada ayaa haatan kulan deg deg ah uga socdaa Xarunta Madaxtooyada magaalada caasumadda ah ee Garoowe.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa qodobo kala duwan oo ku saabsan arrimaha xilligan ka taagan Soomaaliya iyo Puntland,wuxuuna ku soo beegmay xilli uu baaqday shirkii madaxda maamul goboleedyada ee loo ballansanaa in uu maanta Garoowe ka furmo.

Warar hoose oo ka imaanaaya Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Xukuumadda Puntland,si gaar ah loogu eegayo mowqifka Puntland ee ku aaddan xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Faahfaahinta kala soco: Puntland Post