Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo is-casilay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto. Deyr Xaaji Cabdi ayaa wargad is-casilaad ah u gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska Daraawiishta oo diiday in magacooda la xigto.

Warqadda iscasiladda oo ku taariikhaysan 15 bishan Maarso ayaa la ogaysiiyay madaxweyne ku xigeenka iyo taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland,waxaana taliyuhu sheegay in duruufo jira awgood uusan shaqada sii wadi karin.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaan weli aqbalin warqadda is-casilaadda,sida ay xaqiijinayan ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland,iyadoo wararku sheegayan in madaxda sare ee dowladda Puntland ay kulan ugu yeeri doonaan taliye Deyr,si uu faahfaahin uga bixiyo arrimaha keenay is-casilaaddiisa.

Halkaan ka akhriso warqadda is-casilaadda.

PUNTLAND POST