Taliska Ciidamada Badda Puntland oo ka hadlay taageerada Imaraadka iyo DP World

Bosaso-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada xeebaha Puntland Admiral C/risaaq Diiriya Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso ayaa ka hadlay kaalinta dowladda imaraadku ay ku leedahay ciidamada Badda Puntland iyo go’aankii barlamaanka Federaalka ee dalka lagaga mamnuucay Shirkadda DP World.

Taliyuhu wuxuu kaloo ka hadlay goobaha ay ciidamada ay ka howlgalaan, isagoo sheegay in ciidamadu ay saldhigyo ku leeyihiin magaalooyin waaweyn oo ku teedsan badweynta Hindiya iyo badda gacanka cadmeed.

Wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka Carabta oo uu sheegay inay ciidamada badda Puntland ay ka caawiyaan Tababarada, Dhaqaalaha iyo tasiilaadka kale ay u baahan yihiin, waxaa uu tilmaamay in taageerada Dowladda Imaraadka la’aanteed ayan suurgasheen guulaha ay ciidamadu ay gaareen 7 sanno ee la soo dhaafay.

Ciidamada PMPF oo la asaasay 4 October 2011 ayuu sheegay taliyuhu unay saldhigyo ku leeyihiin degmooyinka Garacad, EyL, Xaafuun, Iskushiban, Qandala, iyo xaruntooda oo ugu weyn oo ku taala magaaladda Bosaso.

Taliyuhu, wuxuu  sheegay in ciidamadu ay guul weyn ka gaareen ahdaaftii markii hore loo asaasay oo ahayd la dagaalanka Burcad-badeeda oo uu tilmaamay in jiridaha loo siibay, waxaa kaloo uu xusay in shaqooyinka ciidamadu ay ka mid tahay la dagaalanka Tahriibka, Hubka sharci darada ah iyo la dagaalanka argagixisada.

Wariyaha Puntland Post ee Bosaso ayaa Taliyaha  waydiiyay in Saraakiisha ciidamada Imaraadka ee Puntland ku sugan shaqadoodu ku kooban tahay oo kaliya tababarka iyo gacansiinta ciidamada iyo inkale, waxaa uu yiri

shaqadoodu waxay ku egtahay oo kaliya waxaan annagu u baahan nahay inay caawiyaan,  hadduu yahay tababarka, wixii howlgal ah waxaa iska leh dowladda Puntland, anniga iyo ciidamaduna waxaanu fulinaa rabitaanka iyo ujeedooyinka dowladda Puntland, Ma jirto cid ajnebi ah oo amar na siisa” ayuu yiri taliyaha ciidamada Badda Puntland.

Mar uu ka hadlyay Go’aankii barlamaank Federaalku uu dalka uga mamnuucay inay ka shaqayso shirkadda DPWorld, wuxuu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladda Imaraadka Carabta. Go’aanka barlamaankuna uusan wax saamayn ah ku yeelan taageerada Imaraadku uu siiyo Ciidamada Badda Puntland.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Puntland oo la asaasay 7 sanno ka hor waxay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada fiican ee dowladda Puntland leedahay, waxay ka howlgalaan buuralayda Cal Miskaat iyo Cal Bari, iyagoo halkaasi kula dagaalama Kooxaha Alshabaab iyo Daacish. sidoo kale  waxay sugaan amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso