Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday nawaaxiga Dekada Bosaso

Bosaso[Puntland Post] Dooni ganacsi oo taagan meel Dekadda Boosaaso dhanka Bari kaga beegan Badwaynta ayaa Dab qabsaday, waxaana la aaminsan yahay in dabku uu ka dhashay gudaha doonta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dekadda Boosaaso oo Warbaahinta  Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in doontu ay waday shidaal iyo Gadiid waxayna ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd ganacsato reer Puntland ah.

waxa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah

Cabdiqani Boos

Puntland Post