Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Qadar

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Axad ah ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u baaqday sababo la xariira qilaafaadka u dhaxeeya Xukuumada iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Casuumaad ayuu kal hore ka helay Boqorka dalka Qadar kaasi oo uu u soo diray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa hadda ku hoowlan xalinta qilaafaadkaasi siyaasadeed ee u dhaxeeyo Ra’isilwasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari.

Madaxweynah ayaa isku dayaya in uu xaliyo khilaafkaasi islamarkaasina uu la kulmo labada dhinac.

Khilaaf baahsan ayaa ka dhexjira Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo ka dambeeysay kadib markii Xildhibaano ay Mooshin ka soo gudbiyeen Gudoomiye Jawaari.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho