Koox doonayey in ay Qaxooti Soomaaliyeed qarxiyaan oo maxkamad la soo taagayo.

Saddex xubnood oo ka tirsan  Koox xagjir ah ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago,iyagoo lagu eedaynayo in ay qorshaynayeen in ay qarxiyan masjid iyo xarun kale oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed,taasoo ku taalla Koonfurta galbeed gobolka Kansas ee dalka Maraykanka.

Gavin Wright,Patrick Stein iyo Curtis Allen ayaa saddexduba iska difaacay eedaymaha loo jeediyay oo ay kamid yihiin maleegidda shirqool lagu isticmaalo hubka wax gumaada,kaasoo haddii lagu helo ay ku mutaysan karaan xabsi daa’im. Dacwaddooda ayaa lagu wadaa in ay talaadada ka bilaabato Wichita.

Wakaaladda Wararka AP News ayaa ka soo xigatay xeer-ilaaliyaasha in xubin afraad oo ka tirsanaa kooxdan uu mas’uuliyiinta wargeliyay,kadib markii uu adkaysan waayey necaybka sii kordhaya ee ay faafinayaan saaxiibadiis.

Kooxdan xagjirka ah ayaa Qaxootiga Soomaalida necayb daran u muujiyay,waxayna ku tilmaameen”baran-barooyin” Maraykanka soo galay.

PUNTLAND POST